Somaliland Athletics Federation

Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud oo ciyaaro kala duwan ku xusay Munaasibada 18ka May
Thursday, 26 May 2011 17:34

Hargeysa: Xidhiidhka ciyaaraha fudud ayaa maanta ciyaaro kala duwan ku xusay Munaasibada labaatan guurada ka soo wareegtay 18-ka may ee la soo noqoshada gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland, ciyaarahaas oo ka koobnaa laba nooc oo kala ah:

Read more...
 
Tartanka Ciyaaraha Orodada Degmooyinka Magaalda Hargeysa oo la soo gabagabeeyay.
Thursday, 26 May 2011 17:30

 

Degmadda M/Haybe oo noqotay Horyaalka Degmooyinka Magaalada Hargeysa.

Hargeysa: (Somali SC) Tartankii Horyaalka orodada Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ayaa la soo gabagboobay ka dib markii u socday mudo todobaad ah, waxaana ku tartamayey shanta degmo ee ay ka kooban tahay Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Read more...
 
Tartankii Ciyaarha Orodada Degmooyinka ee Caasimada Hargeysa.
Thursday, 26 May 2011 17:19

Hargeysa: Tartankii Oradada ee Degmooyinka Gobolka Maroodijeex ayaa shalay (22/4/11) si Rasmi ah ugu Bilaabmay Garoonka Hargeysa Stadium Ee Magaalada Hargeysa. Tartankani oo ay soo qaban qaabiyeen Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland oo Kaashanaaya Shirkada Isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa ah sanadkii labaad oo la qabto tartankan.

Read more...
 
Tartanka Dhalinta Cuslaatay & Xuska Maalinta Dhalinta Somaliland 20 FEB.
Thursday, 26 May 2011 16:41

Hargeysa: Xidhiidhka ciyaaraha waxa uu markii ugu horeysey qayb libaax ka qaatay ka qayb galka iyo wayneenta xuska Maalinta dhalinyaradda Somaliland ee loo aqoonsaday 20 Feb 2011 isaga oo kaga qayb qaatay inuu soo qaban qaabiyey isla markaana ka fuliyey ciyaaro kala gedisan galabnimadii Maalinta 20 Feb 2011 Beerta Xoriyadda ee Magaalada Hargeysa.

Read more...
 
Orodyahano reer Somaliland oo markii ugu horeysay ka qayb galay tartan Caalami ah
Friday, 08 April 2011 09:28

Hargeisa (SLAF): Waftigii Orodyahanada heer qaran ee Somaliland ee uu hogaaminayey Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa dalka dib uga soo laabtay iyagoo ka soo qaygalay tartanka Caalamiga ah ee Djibouti Half Marathon.


Waftigan & Ciyaartoyga ayaa ka amba baxay Caasimada dalka 7/3/11, waxaanay ka qayb galeen tartankan Djibouti Internatonal Half Marathon oo dhacay 11/3/11, iyagoo dalka dib ugu soo laabtay 15/3/11.Tartankan ayaa waxa ka soo qayb galay Orodyahano ka kala socday 12 wadan oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya, Tansaniya, Brundi, Sudan, Ugandha, Ethiopia, Somaliya, France & Somaliland.


Read more...
 
Wakiilka Somaliland ee South Africa & Diblimaasiyiin South African ah oo soo Booqday Ciyaar yahanada loo qaadayo dalka Djibouti.
Wednesday, 16 February 2011 18:31
Xafiiska SOMAF

Hargeysa (SOMAF): Wafti balaadhan oo uu hor kacaayey safiirka Somaliland u fadhiya dalka South Africa Prof. Iqbal Jhazbhay oo ay weheliyaan xubno kasocdey waasarada Arimaha Dibadda Ee South Afrika ayaa oo dalka yimidi 1/2/11 ayaa soo booqday Xaruunta Ciyaaraha ee ODHA oo ay ku xaraysannyihiin Ciyaartoyga Heer Qaran ee Ciyaaraha Fudud ee Somaliland.

Waxaana Kulankan Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’ada wadaniga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo iyadu bixisay Maalgalinta Tartanka orodka Half Marathonkii la qabtay 20 Jan ee sanadkan, isla markaana sadexda inan ee ugu horeeyey u diyaarisay jiifka & nafaqada ciyaartoygan oo mudo bil ku dhow ku qaadan doona Tababar Xaruunta Ciyaaraha ODHA, si ay uga qayb galaan tartan heer caalami ah oo ka dhici doona dalka Djibouti.

Read more...
 
Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Marwo Faadumo Siciid.
Friday, 11 February 2011 18:27
Fadumo

Hargeysa (SOMAF): Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa gudoonsiiyay Gudoomiyaha Hay’ada wadaniga ah ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim Shahaado Sharaf tii ugu sarasey ee Xidhiiku bixiyo tan iyo intii la doortay. Marwo Faadumo Siciid ayaa Shahaado Sharafta uu siiyay Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ku mutaysatay Kaalintii qiimaha la hayd ee ay ku lahayd tartanka Orodka ee Hargeysa Half Marathon, Shahaadadan oo la siiyo Shakhsiyaadka ama hay’adaha ka qayb qaata horumarinta iyo dhiiri galinta isboortiga dalka, isla markaana  waxay Faadumo noqotay qofkii ugu horeeyay ee shahaado noocan oo kale ah ay siiso Xukuumada cusub ee maanta dalka ka talisa.

Read more...
 
  • «
  •  Start 
  •  Prev 
  •  1 
  •  2 
  •  Next 
  •  End 
  • »


Page 1 of 2

Random Image

dsc03691.jpg

Translate The Page

Gudida SOMAF

Who's Online

We have 1 guest online

You are here  :